Soo-kabashada Aqoonsiga Ganacsiga
Laga bilaabo 1-da Janaayo, 2026, Gobolka Minnesota wuxuu hirgelin doonaa ilaalin sharciyeed cusub oo loogu talagalay milkiilayaasha ganacsiyada ee dhibbanayaal u noqda xatooyada aqoonsiga ganacsiga. Ka dib markii la dhegeystay cabashooyinka milkiilayaal ganacsi oo ay saameysay arrintani, kuwaas oo la kulmay habraacyo dheer, adag, isla markaana qaali ah oo lagu sixi karo diiwaannada ganacsigooda, Xafiiska Xoghayaha Gobolka Minnesota ayaa diyaariyey qorshe dhammaystiran oo lagu hortagayo, laguna taageerayo dhibbanayaasha xatooyada aqoonsiga ganacsiga. Qorshahan waxaa sharci ahaan loo ansixiyey iyadoo ay taageereen labada xisbi, waxaana loo yaqaan Xeerka Ka Hortagga Khiyaanada Xareynta Ganacsiga (Business Filing Fraud Prevention Act).
Dhibbanayaasha xatooyada aqoonsiga ganacsiga ayaa soo sheegay in ganacsiyo aan la aqoon ay ku shaqeeyeen magacyadooda, in cinwaannada guryahooda si sharci-darro ah loo isticmaalay, iyo in shirkado hakad ku jiray dib loo hawlgeliyey iyada oo aan oggolaanshahooda la helin. Xaalado badan, dhibbanayaasha waxay la kulmeen deeman aan iyaga khusayn, wicitaanno ururinta deymo, ama taariikh deyn oo si weyn u dhaawacantay, iyada oo aan jirin hannaan cad oo xal rasmi ah lagu gaari karo. Hore, fursadaha la heli jiray waxay ku koobnaayeen dacwado maxkamadeed oo kharash badan leh ama faragelin hay’adaha fulinta sharciga.
Sida uu dhigayo sharciga cusub, milkiilayaasha ganacsigu waxay awood u yeelan doonaan inay u soo gudbiyaan xareynno sharci-darro ah Xafiiska Xoghayaha Gobolka Minnesota. Xafiiska wuxuu sameyn doonaa baaritaan rasmi ah, wuxuuna baabi’in doonaa ama joojin doonaa xareynnada lagu helo inay yihiin khiyaano.
Sida loo helo macluumaadka xareynta ganacsigaaga
Waxaad ka raadin kartaa taariikhda xareynta ganacsi bogga sos.mn.gov/findabiz. Lambarka xareynta ganacsigaaga waxa laga helayaa bogga Faahfaahinta Diiwaanka Ganacsiga. Taariikhda xareynta ganacsiga waxa lagu muujiyey qaybta faahfaahinta xareynta, oo ay ku jiraan taariikhaha xareynnada la sameeyey. Riix batoonka Renewal History si aad u hesho macluumaad ku saabsan goorta ganacsiga la cusboonaysiiyey.
Ma tahay dhibbane xatooyada aqoonsiga ganacsiga?
Haddii qof uu adeegsaday magacaaga, cinwaankaaga, ama macluumaad kale oo adiga kugu gaar ah xareyn ganacsi isaga oo aan haysan oggolaanshahaaga, ama uu isbeddel ku sameeyey ganacsigaaga isaga oo aan fasax kaa haysan, waxaa suuragal ah inaad noqotay dhibbane xatooyada aqoonsiga ganacsiga.
Tusaalooyin arrintan waxaa ka mid ah:
- Magacaaga oo loo diiwaangeliyey inuu yahay wakiilka ka diiwaangashan ama abaabulaha ganacsi adiga oo aan oggolaansho bixin.
- Cinwaankaaga oo loo adeegsaday xafiiska ugu weyn ama xafiiska ka diiwaangashan ee ganacsiga adiga oo aan oggolaansho bixin.
- Ganacsi oo lagu sameeyey ama lagu abuuray aqoonsigaaga ama macluumaadka ganacsigaaga.
- Diiwaan ganacsi oo hore u jiray oo wax laga beddelay adiga oo aan oggolaansho bixin.
Haddii aad dib u eegto xareynta, aad xaqiijiso inaadan ku lug lahayn, isla markaana aysan kuu fulin xirfadle adiga ku matalaya sida qareen ama xisaabiye dadweyne, waxaad u gudbin kartaa Xafiiska Xoghayaha Gobolka Minnesota War-sheegid Xareyn Khaldan (Declaration of Wrongful Filing) si loo sameeyo dib-u-eegis iyo baaritaan. Habraacan waxaa maamula Shuruucda Minnesota, Qodobada 300.70 – 300.78.
Sida uu u shaqeeyo habraaca cabashada
- Milkiilaha ganacsi oo ay arrinta saameysay wuxuu u gudbin karaa Xafiiska Xoghayaha Gobolka Minnesota War-sheegid Xareyn Khaldan (Declaration of Wrongful Filing) haddii uu si macquul ah u rumaysan yahay in si sharci-darro ah loo farageliyey ama wax looga beddelay diiwaannada ganacsigiisa.
- Xafiiskeenna wuxuu u dirayaa ogeysiis rasmi ah dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso. Haddii aan wax jawaab ah laga helin muddo 21 maalmood gudahood ah, cabashada waa la aqbalayaa, xareyntana si rasmi ah ayaa loogu aqoonsanayaa inay tahay khiyaano.
- If Haddii jawaab la helo, xafiiskeenna wuxuu codsan karaa macluumaad dheeraad ah, wuxuuna dib u eegi karaa ka hor inta aan go’aan laga gaarin.
- Natiijada:
- Marka amar kama-dambays ah oo ka soo baxa xafiiskeenna uu ku caddeeyo in xareyntu tahay khiyaano, tallaabo ayaa la qaadi doonaa:
- Haddii xareynta sababtay abuurista hay’ad cusub oo been-abuur ah, hay’addaas waa laga saari doonaa diiwaannada rasmiga ah.
- Haddii xareynta wax ka beddeshay ganacsi hore u jiray, xogta khiyaanada ah waa la tirtiri doonaa, diiwaankana si cad ayaa loogu calaamadin doonaa.
- o Haddii cabashada la diido, dhammaan dhinacyada ay khusayso waxaa la siin doonaa ogeysiis rasmi ah, kadibna waxay xaq u leeyihiin inay rafcaan u gudbiyaan maxkamad degmo, haddii ay sidaas doortaan.
- Marka amar kama-dambays ah oo ka soo baxa xafiiskeenna uu ku caddeeyo in xareyntu tahay khiyaano, tallaabo ayaa la qaadi doonaa:
Sida loo gudbiyo War-sheegid Xareyn Khaldan (Declaration of Wrongful Filing)
- Buuxi dhammaan qaybaha khasabka ah ee ku jira foomka War-sheegidda Xareynta Khaldan (Declaration of Wrongful Filing Form).
- Ku lifaaq dukumeenti kasta oo khuseeya, sida iimayllo, xareynno ganacsi, iyo/ama isgaarsiin nooc kasta ah. (Fiiro gaar ah: haddii boosto lagu diro, waxyaabaha la lifaaqay dib looguma soo celin karo. Sidaas darteed, ku dir oo keliya nuqullo/photocopy ah.)
- Ku dir foomka la buuxiyey iyo lifaaqyada iimayl ahaan: bir.oss@state.mn.us AMA Boostada:
Office of the Minnesota Secretary of State
Business Services
First National Bank Building
332 Minnesota Street, Suite N201
Saint Paul, MN 55101